Xaflad lagu taageerayo Xildhibaan Abdirahman Mohamed Shekh oo lagu qabtay Oslo

Jaaliyada Soomaliyeed ee wadanka Norway ayaa xalay kulan taageero iyo dhiirigelin ah u sameeysay Xildhibaan Abdirahman Mohamed Sheekh oo dhawaan ka mid naqday xildhibaan golaha shacabka barlamaanka Soomaliya oo deegaan dorashadiisu tahay maamulka hirshabelle.

Wax garad isugujiro siyaasiyiin ,aqoonyahano ,dhalinyaro ,haween ayaa kasoo qeeb galay kulanka loogu hambalyeynayay xildhibaanka.

Ugu horeen waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Muduloow “Said Mohamed Shekh” oo ay walaalo yihiin Xilddhibaanka islamarkaana umahad celiyay dadkii kasoo qeeb galay xaflada.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa dar-daaran siiyay xildhibaanka iyagoona ugu baaqay in wax loo qabto bulshada ku nool gobolka banaadir oo xiligaani duruufa dhan walba ah ay ku gadaaman yihiin.

Ugu danben xildhibaan Abdirahman oo qadka telfoonka kaga qeeb qaatay kulanka ayaa umahad celiyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Norway waxuuna balan qaaday in codkiisa uu ugu hiinlin doono bulshada somaliyeed ee dhinac walba  ka oo man oo ay ugu horeyaan kuwa ku nool gobolka Banaadir oo ilaa hada wax matalaad ah laheen.