Wariye Abuuja oo maanta xoriyadiisa dib u helay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta sii deeysay wariye Maxamed cabdu wahaab Nuur Abuuja oo muddo ku siman 5 bilood ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Muqdisho

Wariye Abuuja ayaa lagu Eedeeyay dil oo uusan geysan balse wariyaha ayaa iska difaacay Eedihii loo jeediyay iskana biri yeelay

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday in wariye Abuuja u uxor yahay islamarkaana aanay jirin wax dami ah oo loo heysto

Siideynta Wariye Abuuja ayaa waxaa goob joog ka ahaa Dhammaan Ururada Warbaahinta oo ay ka mid yihiin SJS, Soma iyo Fesoj

Maxamed Ibraahim Macalimuu ‘ Abadala Muumin oo ah Xoghayaha SJS iyo Agaasime Maxamed Cabduwahaab Cabdilaahi oo ah Xoghayaha Soma ahna Agaasimaha Idaacada Risaala ayaa ka qayb qaatay siideynta Wariye Maxamed Cabdi wahaab Abuuja oo ah Tifaftiraha Radio Hiigsi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com