Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Nin Dad shacab ah ku dilay Xaruun mangiska lagu Tumo

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray nin hubeysay oo dad shacab ah ku rasaaseeyay degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

19/July/2020, abaare 12:30 duhurnimo, shalay ayaa nin ku labisan dareyska  Ciidanka, ayaa rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15May oo ku taala agagaarka iskoolka 15May ee Degmada Wartanabada.

Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Cabdikariim Dheere kaas oo horay uga mid ahaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, falkaan ayaa sababay dhimashada Hal qof oo lagu magacaabi jiray SALEEBAAN MAXAMED MAHADI, waxaana ku dhaawacmay 9 qofood oo kale.

Eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ayeey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku raadjoogaan si gacanta loogu Soo dhigo, loona maxkamadeeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com