Mas,uul ka Tirsanaa Maamulka Jubland oo lagu dilay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay Halkaasi  lagu dilay Cawil Cali Barre (Cawil Buluq) oo ahaa mas’uul ka tirsan maamulka Jubbland ahaana ganacsade.

Cawil Buluq oo kamid ahaa madaxda dakedda Kismaayo iyo labo ruux  oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhinteen israsaasaym dhexmartay ciidamo kawada tirsan Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Cawil Cali Barre oo ahaa mas’uul ka tirsan Jubbaland uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday bar-kantarool oo u dhaweyd Hooy  uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay in hay’adaha amniga Kismaayo ku guda jiraan waxa sababay rasaastaas.

Magaalada Kismaayo waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto ganacsatada Jubbaland.

Bishii December ee sanadkii hore 2020 waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay dhakhtar lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed.

Bishii October ee sanadkii hore 2020, waxaa Kismaayo lagu dilay Cabdullaahi Sheekh Cabdisaam (Shigshigow) oo ahaa maamulihii Amal Bank Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com