Deg deg Ciidamo oo wato wasiir Janan oo lawareegay Balad-Xaawo

Dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Haramcad iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa ka bilowday ka dib markii Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ay weerar culus kusoo qaadeen gudaha Balad-xaawo, sidaasina uu dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in Ciidanka Wasiir Janan ay u suura-gashay inay qabsadan qeybo kamid ah degmada Balad-xaawo, iyadoona Ciidankii dowladda Federaalka ee halkaas ku sugnaa isugu tageen Saldhiga degmada iyo xarumo kale.

Wararka intaas kusii daraya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarau labada dhinac, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u cadeyn karta inta uu la egyahay khasaaraha, maadaama weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ciidanka Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ay fuuleen dhismooyin dushooda, isla markaana ay ka dagaalamayeen, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Maqaayada Nadar ee xaafadda dhabad ee Balad-xaawo.

Xaaladdda degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa weli kacsan, isla markaana waxaa gudaha Magaalada lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo isugu jira kuwa Haramcad iyo Gorgor ee dowladda Federaalka, iyagoona doonayan inay dib ula wareegaan goobihii xalay laga qabsaday.