Duqeeyn kadhacday Soomaaliya oo lagu beegsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan Shabaab

Duqeeymo ay geesteen diyaaradaha Mareykanka ayaa  la rumeysan in shan qof  oo ka tirsan yihiin al-Shabaab, oo uu ku jiro hal hoggaamiye, lagu diley duqeyn ay si wadajir ah uga fuliyeen Mareykanka iyo Soomaaliya agagaarka Saaxa Weyne khamiistii.

Sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, ma jiro qof rayid ah oo wax ku noqday ama ku dhintay howlgalkaas dartiis.

“Duqeyntan waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo fududeeyay maaliyadda, hubka, dagaalyahannada, iyo waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Warka ayaa intaasi kusii daray “Mid ayaa looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerar hore oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya,” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Toddobaadkii hore laba duqeyn cirka ah ayaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda xagjirka ah waxaana lagu burburiyey lix dhisme oo ku yaal xaruntooda.

Bishii Diseembar ayuu madaxweyne Donald Trump amar ku bixiyay in laga saaro Soomaaliya ilaa 800 oo askari, tallaabadaas oo la filayo in la dhammaystiro markii Madaxweynaha la doortay Joe Biden la caleemo saaro dhammaadka bishan.