Warar dheeri ah ayaa kasoo baxayoAskar ka tirsan Haramcad oo lagu dilay  Matabaan

Matabaan(Aragti Cusub):-Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xoogan oo xalay ka dhacay wadada dhanka galbeed uga baxda Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyaad deegaanka ah, oo jidgooyada Dhisaqa ay halkaasi u taalo.

Ciidanka Haramcad ayaa maleeshiyadaasi ku baxay, ka dib markii ay tiro dad ahi kala daggeen gaari ka yimid dhinaca Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya Ciidanka Haramcad oo watay gaadiidka dagaalka in ay iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyadaasi, isla-markaana uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in dadkii xoogga lagu kaxeystay laga soo furtay maleeshiyadaasi, isla-markaana ay Ciidanka Haramcad la wareegeen jidgooyadii ay ku sugnaayeen.

Hase yeeshee wararka laga helayo Degmada Matabaan ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay weli ku sugan tahay isbaarada Dhisaqa, halka Ciidanka Haramcad-na ay ku sugan yihiin kontoroolka laga soo galo Matabaan.

Ugu yaraan laba ka mida Ciidanka Haramcad ayaa la soo sheegaya in dagaalka lagu dilay, halka laba kalena lagu dhaawacay, iyadoo dhaawacyada askartaasi loo qaaday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Sidoo kale waxaa soo baxaya in dagaalka lagu dilay dhawr ka mida maleeshiyadii la weeraray.

Maleeshiyada isbaarada Dhisaqa ku sugan waxay ka amar-qaadataa nin lagu magacaabo Xirsi Warsame Goomey, kaasoo sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Degmada Matabaan.

Inkastoo saaka ay xaaladda Degmada Matabaan degan tahay ayaa waxaa haddana laga dareemaya dhiilo, iyadoo maleeshiyada deegaanka ay gurmadyo gaarayaan, halka Ciidanka Haramcad ay fillayaan in saacadaha soo socdo uu gurmad uga yimaado dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Degmada Matabaan iyo deegaanada hoos-tagga waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacaayay dagaalo goos goos ah, oo u dhaxeeyay Xoogaga Haramcad iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”