Taliyaha Asluubta oo wacad ku maray hadii aan lasiin gaari nuuca  xabadu karin in uu shaqda ka tagidoono

Muqdisho(Aragti Cusub):-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa carro kala duldhacay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona ka dalbaday in la siiyo gaari nooca aysan xabaddu karin.

Taliyaha ayaa Khamiistii ka badbaaday qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay, gaadiid uu watayna lagula eegtay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan.

Qaraxaasi oo haleelay gaari Cabdi Bille ahaa oo ilaaladiisa ay la socotay ayaa sababay geerida saddex qof oo laba ka mida ay ilaaladiisii ahayd iyo dhaawaca afar askari oo kale, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Asluubta, Cabdikhani Maxamed Khalaf.

Ururka Al Shabaab oo masuuliyadda qaraxa sheegtay ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in bartilmaameedkooda uu si dirqi ah kaga badbaaday Taliyaha Ciidanka Asluubta.

General Mahad Cabiraxmaan Aadan waxaa la tilmaamaa inuu yahay Taliyaha keliya ee ka tirsan Talisyada Ciidamada Dowladda, ee aan sida joogtada u haysan gaari Bullet Proof ah.

General Mahad Cabiraxmaan oo ciilkaas iyo carradaas qaba ayaa Madaxweyne Farmaajo kala duldhacay, waxaana uu Madaxweynuhu weydiistay in si deg deg ahi loo siiyo mid ka mida gaadiidka faraha badan ee aanay rasaasta karin, isla-markaana isaga xareysan Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

General Mahad Cabiraxmaan oo nin aan hadalka la gamban ah ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inaanu shaqada sii wadi doonin, haddii aan markaasi la siinin gaariga uu dalbaday in uu kaga gaashaanto weerarada Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu Taliyaha Ciidanka Asluubta ugu laab qaboojiyay in la sii doono gaarigaasi, shaqadiisana uu sii wato, balse aanu u sheegin goorta la siin doono.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska ee Koonfur Galbeed ayaa 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Asluubta, ka dib markii uu Madaxweyne Farmaajo xilkaasi ka qaaday Taliyihii hore ee Asluubta, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Magacaabidiisa ayaa ku timid hannaanka awood qaybisga beelaha ee 4.5, taasoo dhawr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay dalka looga dhaqmayay.

Mahad Cabdiraxmaan waa sodogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo Lafta-gareen waxaaba u dhaxda gabar uu dhalay Taliye Mahad, dadka qaarkiina waxayba aaminsan yihiin in magacaabidiisa uu ku lug lahaa Madaxweyne Lafta-gareen.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”