M/weeynaha aan wali lacaleemasaarin ee Hirshabelle oo Muqdisho soogaray iyo cadaadis soowajahayo xiligaan.

Muqdisho(Aragti Cusub):-Waxaa magaalada Muqdisho safar aan hore loosii shaacin ku yimid M/weeynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo tan iyo markii loodoortay xilkaasi ku sugnaa magaalada Jowhar.

Maamulka cusub ee hirshabeele ayaa xiligaani wajahayo caqabado xoogan kadib markii gobolka Hiiraan ay ka bilaawdeen banaanbaxyo iyo jabhado kasoo horjeedo maamulkaas.

Warar Hoose oo ay heleeyso shabakada Aragticusub ayaa ku waramayo in Cali Guudlaawe xiligaani uu wajahayo cadaads xoogan oo uga imaanayo dowlada dhexe , siyaasiyiinta kasoo jeedo Hiraan iyo beesha Caalamka.

Dowlada ayaa ku cadaadineeyo in uu tanaasul badan sameeyo si caqabada horyaalo maamulkiisa uga gudbo waxaana laguwadaa in maalmaha soo aadan uu kulamo layeesho madaxda dowlada.

Waxyaabaha iminka lagu cadaadinayo ayaa waxaa ugu horeeyo in isbadal deg deg ah uu ku sameeyo taliyaasha cidamada Hirshabelle sida Booliska Nabad sugida iyo Milatariga in caasimada looraro Baladweeyn iyo sidookale in uu dib uhishiisiin usameeyo dhamaan beelaha dego gobolka ee cabashada ka ah maamulka cusub ee hirshabelle.

Siyaasiyiinta kasoojeedo Hiiraan ayaa xiligaani kulamo gaar gaar ah ku yeelanayo magaalada muqdisho kuwaasi oo hore ugu gudbiyay cabashadooda dowlada iyo beesha caalamka.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”