Deg deg Dowlada Soomaaliya oo ciidan kadajisay Baladweyn.

 

Baladweyn (Aragti Cusub):-  wararka saaka ka imaanayo magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiraan ayaa ku waramayo in diyaarad siday ciidamada sigaarka u tababaran ee Haramcad ay kasoo dagtay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyn.

Ciidankaan oo ku hubeeysan hubka nuucyadiisa kaladuwan ayaa lagu waramayaa in ay saaka soo gaareen magaalada waxeeyna fadhiisimo kasameestay agagaarka garoonka ugaas Khaliif .

Warar kaladuwan ayaa kasoo baxayo imaatinka ciidamadaan ,dadka qaar ayaa ku macneeynayo imaatinkooda in ay laxariirto Caleemasaarka Madaxweeynaha Hirshabelle oo horay usiishaaciyay in Baladweyn lagu caleemasaari doono ,lkn waji gabax kala kulmay Janaraal Xuud jabhada uu horkacayo iyo shacab mudaaharaadyo ka dhigay gudaha magaalada.

Duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda qaabkii loo dhisay Maamulka cusub ee Hir-shabeelle, iyaga oo dhowr jeer diiday in Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen in uu ka dego Magaalada Beledweyne, isla markaana Beledweyne ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Beledweyne ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay Beledweyne & Jowhar ay ka dhacayeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayay.

Imaatinka ciidanka saakay Baladweyn ayaa ku soo aadayo xili M/weeynaha aan wali lacaleemasaarin ee maamulka Horshabelle-“Cali Guudlaawe” magaalada Muqdisho safar deg deg ah kugaaray halkaasi waxaana wararku sheegayaan in safarkiisa laxariirto kulamo ay dowladu laqaadan doonto 3-maamul ee Hirshabelle Galmudug,iyo K/galbeed.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”