Shirkadda Twitter-Ka Oo Hawada Ka Saartay Cinwaankii Trump

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay hadda si rasmi ah meesha uga saartay cinwaanka Madaxweyne Trump.

Barta Twitter ayaa sheegetay in go’aankan ay gaartay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigo barta.

Waxay Shirkadda sheegay in ay jiraan walaacyo laga qabo halis sii hurin karta rabshadaha haatan ka taagan Mareykanka.

Qaar ka mid ah sharci dajiyaasha Mareykanka iyo dadka caanka ayaa muddaba ku baaqayay in barta twitter ay gabi ahaan meesha ka saarto cinwaanka madaxweyna Trump.

Marwadii hore ee mareykanka Michelle Obama ayaa khamiistii barteeda twitter-ka shirkada kaga codsatay in ay joojiso qoraallada Trump ee dhaqan xumida ah sidoo kalana gabi ahaan meesha ka saaran cinwaanka madaxwyenaha Trump.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”