Maxaa kasoo baxay Kulamodii Dhexmaray Madaxda DFS Iyo 3-daxda M/Goboleed ?

Muqdisho (Aragti Cusub):- Waxaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulamo saacado badan qaatay ku yeeshay Madaxda dowladda Federaalka iyo  Madaxda 3-da maamul Goboleedyada ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka koowaad ayaa waxaa uu dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha  Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Galmudug Qoorqoor iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe, iyagoona ka wada hadlay xal u helida khilaafka iyo caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka qeybaha dambe ay uga soo biireen Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waxaana siweyn ay uga hadleen khilaaf ka taagan doorashada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in saacadaha soo socda Madaxweye Qoorqoor uu qaban doono Shir jaraa’id oo lagu faah faahin doono kulamadii ay Madaxda yeesheen, sidoo kalena ku dhawaaqi doono war la xiriira doorashada.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabakada Aragti Cusub u sheegaya in mabda’ ahaan ay dowladda aqbashay in wax laga bedelo Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, waxaana Musharaxiinta laga dalbaday inay soo gudbiyaan liiska xubnaha ay doonayaan in la bedelo, iyadoo muddo saddex cisho oo laga sugayay inay liiska ku soo gudbiyaan ay xalay ku ekeyd.

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan qabsoomida doorashada, isla markaana waxaa arrimaha Madaxda dowladda iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland ay isku hayaan kamid ah, xaaladda Gobolka Gedo, Guddiyada la magacaabay Doorashada iyo Arrinta  Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa siweyn uga horjeeda nidaamka dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku qabato doorashada, iyagoona Madaxweyne Farmaajo dhowr mar ku eedeeyay inuu wado boob doorasho.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”