Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar oo soo qabtay Aabe Wiilkiisa dilay

Taliska Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ee Xaruunta Maamul goboleedka Hir shabeele ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Aabe wiilkisa xalay ku dilay Magaalada jowhar.

Booliiska ayaa shaaciyay in Eedeysanaha oo lagu magacaabo maxamed dhayoow uu xalay wiilkisa oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Dhaayoow ku riday Webiga Shebeelle

Eedeysanaha oo ku xiran Saldhiga Booliska magaalada jowhar ayaa waxa ku socda baaritaano la xiriira sababta ku kalliftay in uu Wiilkiisa Webiga ku rido.

Sarakiish Booliiska magaalada jowhar ayaa shegay in eedaysanha oo baaritaan ku socdo ay Warbaahinta dib kala wadaagi doonaan wixii Baaritaanka ka soo baxa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com