Bulaacad si Casri ah loodhisay oo Muqdisho  xariga laga jaray +Sawirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay inta u dhaxeysa isgooska Km4 ilaa dekada Qalalan ee Muqdisho.
Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caasimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameynta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.

Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caasimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameynta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.

 Duqa magaalada iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sidoo kale kormeeray wajiga sadaxaad oo uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku dhameestiro xal u helida biyamareenkan si roobabka da’aya uusan u wax yeeleynin wadooyinka magaalada Muqdisho.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato badan ku qaba xili roobaadka oo biyo badan ay xiraan laamiyada iyo wadooyinka muhiimka ah, waxaana sabab looga dhigay in magaalada laheen biyo mareeno iyo bulaacado biyaha ku xaroodaan.
Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”