Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo Iscasilay

Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow ayaa iska Casilay xilkii Afahyeen ee maamulka gobolka Hiiraan ka dib markii xaalada magaalada Baladweyne ay isbadeshay oo Ciidamo la magac baxay badbaado Qaran Halkaas ay la wareegeen .

Afhayeenkii  maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Muumin iidow Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga waramay is casilaada, isaga oo taageeray, ciidamadii la magac baxay badbaadada Hiiraan ee xalay la wareegay Xerada lama galaaay &goobo  kale.

Afahyeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay  sida uu qoraalkiisa face buuga ku cad markii Siyaasiinta ku sugan Beledweyne qaarkood ay  ku hanjabeen in ay dilayaan  Ugaas Yuusuf Ugaas Hassan Ugaas Khaliif iyo Nabadon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan Gobolka Hiiraan.

Waxaan Bogaadinayaa Shacabka Sharafta leh ee reer Hiiraan iyo Saraakiisha Badbaado Hiiraan, waxaana si toos ah iskaga Casilay Xilkii afhayenka Maamulka Gobolka Hiiraan ayuu ku yiri” Cabdi Muumin Iidow.

Xaalada  Magaalada Baladweyne ayaa degan iyadoo shacabka ku nool Magaaladaasi taageero ay u Muujiyeen Ciidamada Gadoodsan ee la wareegay gacan ku heynta xerada lama galaay iyo goobo kale oo muhiim ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com