Xisbiyada Hogaamiyo Norwey oo dib isaga celiyay lacago si qarsoon ku soo galay.

Oslo,Xisbiyada Høyre, Venstre iyo KRF ayaa dib isaga celiyay lacago si qarsoodi ah ku soo galay.

Qoraal ay soo saareen xisbiyadan Hogaamiya Dowlada ayay ku cadeeyeen dib u celinta lacagahaas.

lacagahan oo gaaraya 750,000Kr ayaa aheyd lacago tabarucaad ah oo ay ka heleen ururo aan magacooda la sheegin.

Qoraalka waxaa ay ku cadeeyeen in maadaama la heyn xaqiiqda dhab ahaan halka lacagtaasi ka timid in ay qasab ku noqotay dib u celinta lacagahaas faraha badan.

Maalmihi ugu dambeeyay ayay warbaahinta gudaha aad uga hadlayeen 750,000kr ee ku soo gaartay Xisbiyadan Hogaamiya Dowlada Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com