Siyaasigii aflagaadeeyey Caa’isha Romano oo raalli-gelin bixiyey

Siyaasiga Alessandro Pagano oo ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka ee Lega Nord ee dalka Talyaaniga ayaa ka noqday hadalkii gefka ah ee uu shalay ku jeediyey Kulankii Aqalka Hoose ee Barlamaanka Talyaaniga.

Waxa uu ku tilmaamay Haweeneydii Talyaaniga ee dhawaan qaadatay Diinta Islaamka ee Caa’isha Romano inay tahay waxa uu ugu yeeray Argagixisa Cusub, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay inuu hadalkaasi ugu dan lahaa inuu ku mucaarado Dowladda Talyaaniga ee ma ahayn mid aan iyaga ku weerarayey.

Alessandro Pagano waxa uu tilmaamay inuu hadalkiisa toos ugu socday Dowladda Talyaaniga oo uu sheegay inay Laaluush bixiyeeen iyo inay Soo-dhaweyn Heer Sare ah u sameeyeen Caa’isha Romano.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Haweeneydaasi u muujinayo Midnimo buuxda iyo inuu raalli gelin ka bixinayo haddii uu aflagaadeeyey, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Isbahaysiga Lega Nord, Matteo Salvini waxa uu isku dayey inuu hoos u dhigo hadalka Alessandro Pagano, wuxuuna u rajeeyey inay ku waarto cimri dheer oo farxad leh.

Gabadhaan diinta Islaamka qaadatay ayaa mudo 18-bilood ah u afduub need xarakada Al-shabab waxa uuna sheegay af’hayeenka ururkasi in ay kusiidaayeen lacag madaxfurasha ah oo uu shegay in ay ku hormarinayaan Jihaadka ay ku jiraan

.