Duqa Muqdisho Oo Farriin U Diray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa maanta kormeeray qeyba kamid Caasimadda kaas oo ugu kuurgalayay Amniga iyo bilicda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qeybaha la kormeeray waxaa kamid  ah Wadada isku xirta Balacd iyo Muqdisho, Wadada isku xirta X-Koontorol Balcad ilaa Isgooska Hotel golobal ee degmada Shibis wadooyinkaas oo dhawaan la saaray Laami.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa inta uu kormeerkan kujiray wuxuu kula dardaarmayay maamulada degmooyinka iyo Bulshada in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta wadooyinkan dib u dhiska lagu sameeyay maadaama dhismahooda muda baahi weyn loo qabay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa sidoo kale booqday Xarunta Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaliga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com