Maxaa lagudboon Fahad; kaddib guuldarradii Farmaajo?

Isaga oo aad u xanaaqsan islamarkaana uu ka muuqdo Niyad-jabka ka dhashay guuldarradii 15-May-2022; ayuu la hadlay Youtuber-ka sita Magaca Gayland Media oo aan ka diiwaangashanayn Soomaaliya, waxa uu u sheegay dhowr sheeko oo ay kamid ahayd sida uu u arko taliyaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Sirdoonka Soomaaliya, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay in Xildhibaan Mahad Salaad qabto xilkaas.

Fahad Daahair Axmed (Fahad Yaasiin) sida muutaqa mustaqbalkiisii siyaasadeed ee Soomaaliya waa dhammaaday! Intaasna waxaa u dheer dhibaatadii guud ee kooxdiisii ugu tagtay dalka kuwaas oo ugu sii jiraya Keydka taariikheed ee siyaasadda dalka.

5; sano oo uu isu arkayey Waxsheegga siyaasadda Soomaaliya kaddib maanta waxa isaga oo eedeysan islamarkaana ay adag tahay in u uku noqdo noloshiisa caadiga ahayd dakanooyinka siyaasadeed ee uu galay awgood haddana waxa uu u furan dhowr kaladoorasho kuwaas oo aan middoodna u adeegi doonin in uu dib ugu soo noqdo siyaasadda iyo maamulka dalka.

Waa sida uu hadda doortay islamarkaana ay kooxdiisu bilowday kahor caleemasaarka madaxweynaha, waana adag tahay in ay sii socoto, sababta oo ah xilligan waxaa qoyan dhibaatadii iyo eedihii ay geysatay NISA oo uu hayey xilka ugu sarreeya, waxaana suuragal ah in garsoorkku ku furo dacwad ciqaab ah oo sii burburisa haddiiba ay wax u dhaqan yihiin.

Caqabado ayaa ka jira xilligan ku noolaanshaha Qatar, sababta oo ah Qatariyiintu waxa ay wadaan qorshe ay isaga beriyeelayaan xiriirkii iyo maalgelintii ay ku lahaayeen xukkunkii Farmaajo, sidaas awgeed Qatar waxa ay intii ay awooddo iska fogeyneysaa madaxdii saree e xukuumadii Farmaajo.

Turkiga oo isu arka in uu abaal ku leeyahay Soomaaliya sidaas oo kalana ay illaa xad aad u hooseysay taageerada gaar ahaaneed ee uu siinayey Farmaajo ayay suuragal tahay in Fahad ku noolaado ama uu dego.

Guuldaradii Farmaajo 5-sano kaddib Fahad Yaasiin; waa Milkiile Musalafay oo ka farabadan Saaxiib siyaasadeed iyo xukun dowladeed, marka la qiimeeyo sidii uu u dhaqmayna aad ayay u Rejo yartahay in uu si sahlan uga mid noqdo  Siyaasadda iyo maamulka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com