Cali Dheere oo war ka soo saaray xanuunsidaha COVID-19

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab ayaa soo saaray cod maqal ah, oo u muuqday mid ay Al Shabaab ugu talagashay inay uga hadasho xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Codka Afhayeenka Al Shabaab oo 27 daqiiqo soconaya ayuu ku sheegay in muddooyinkii ugu dambeysay ay dunida ku soo bateen cuduro loo maaro waayay, oo uu ugu dambeeyay midkan loogu magac-daray COVID-19.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in cuduradan ay intooda badan ka yimaadeen wadamada gaalada, kuna soo fideen kuwa Islaamka, xilli sida uu sheegay aan horey noocooda ifka loogu arag.

“Muddooyinkan dambe waxaa adduunyada ku soo badanayay cuduro dadka laayo, oo aan horey loo aqoon jirin, kuwaa oo intooda badan ka soo bilowda wadamada gaalada, ka dibna ku soo faafa wadamada Muslimiinta. Cuduradaas oo qaarkood dawadooda la garan-waayo, waxaana ugu dambeeyay cudurkan laayaanka ah ee lagu magacaabay (Coronaha).” Ayuu yiri Cali Dheere.

Waa markii ugu horeysay ee alshabab kahadasho Covid-19 oo ah cudur safmar ah oo xiligaan dunida dad badan ugu dhintey.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com