Madaxweyne Farmaajo oo baaq kasoo saaray daadadkii Qardho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray dhibaatadii ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho, taasoo sababtay khasaare naf iyo maal isugu jira.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadka ay soo gaartay dhibaatada xooggan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com