Xildhibaano dalbaday Jawaab deg deg in laga bixiyo dadkii lagu laayay Sh/dhexe

Weli  waxaa isa-soo taraya dadka sida aadka ah uga hadlaya dhacdadii lagu dilay Hooyo & laba Carruur ah oo ay dhashay taas oo ka dhacday degaanka Xaluule ee duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow & Mina Xasan Shibis oo labaduba ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay falkaasi ku tilmaameen mid arxan darro ah oo aan indhaha laga laaban Karin.

Shir Jaraa’id oo ay Warbaahinta ugu qabteen Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in dilka arxan darrada ah ee loo geystay Hooyada iyo labada Carruurta ah aysan kaliya ku filneyn cambaareeyn, isla markaana loo baahan yahay insi deg deg ah looga jawaabo oo wax looga qabto.

Waxaa ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka Hir-Shabeelle in tallaabo deg deg ah ay ka qaadeen dadkii ka dambeeyay dilkaasi foosha xun inta aysan dhicin xiisad kale iyo fidno kale oo ka dhalata arrintaas.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee dadka maatida lagu laynaayo ayaa ku soo badanaya deegaano & Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.