Maxay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Madaxa Hay,adda WFP

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxa hay’adda Cunada adduunka ee (WFP).

Kulankan oo looga hadlay xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adda Cunadda adduunka ee (WFP), ayaa isla markaana waxaa lagu dar dar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu ka waddo dalka.

Agaasimaha Hay’adda Cunada Adduunka ee Soomaaliya Mr Cesar Arroyo, ayaa bogaadiyay shaqooyinka Wasaarada Qorsheynta iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeyso.

Wasiirka wasaaradda Qosheynta  xukuumadda Federaalka SoomaaliyaJamaal Maxamed Xasan ayaa isna hoosta ka xariiqay in howlaha ay dalka ka waddo hey’adda (WFP) sii dar-dar-galiso si adeegyadda dalka ay ka hayso u noqdan kuwa anfac bulshada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com