Taliyeyaasha Ciidamada Booliska & Xoogga dalka oo gaaray Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca maamulka Galmudug ayaa waxaa duhurnimadii maanta gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Taliye Odawaa Yuusuf ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale, waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ujeedka Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen aas loo saameynaayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo.

Sidoo kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage iyo Cabdi Xasan Xijaar ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Saraakiisha Ciidanka amniga ee Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug, iyagoo kala hadli doona amiga Magaalada.

Saraakiisha ku dhintay Qaraxii Ismmiidaaminta ah ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyihii  Ciidanka qeybta 21-aad ee Cabdicaiis Cabdullaahi Qoooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, ku-xigeenkiisii, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale oo goobta ku sugnaa.

Dad kale oo badan ayaa la sheegay inay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen Qaraxii dhacay, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, waxaana dadkaas qaarkood ay yihiin kuwo si darran uu u sameeyay Qaraxaas, Al-shabaabna ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas.