Ciidamo ka tirsan Dawlada Federaalka oo ku dagaalamay Xaafado ku yaala Degmada Kaaraan

Iska hor  Imaad  u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

Iska Hor, imaadka ayaa  ka dhashay muran la xiriira dhulka  kaawada  ee dhinaca Kawaan Bari waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan

Wararka ayaa sheegaya  in dagaalka  uu u dhaxeeyo ciidamo ay kala Taabacsan  labo sarkaal ka tirsan ciidanka milateriga, kuwaasoo isku haya muran ka dhashay dhulka ku yaala aagga kawaan Bari.

Gudoomiyihii hore ee degmada Balcad Cusmaan Xaadoole ayaa la sheegay in ciidanka militariga ee dagaal kawada degmada Kaaraan uu hogaaminaayo Halka sarkaal oo ka Tirsan Ciidanka Booliska gaar,ahaan mino shiibiyada uu isna hogaaminaayo ciidanka kale ee ka soo horjeeda kuwa Xaadoole.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay wadada Mirinaayada ee aada Isbitaal Keysaney.

Illaaa hadda lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka inkastoo warar ay sheegayan in dad shacab ah oo wadada marayay ay wax yeelo ka soo gaartay rasaasta labada dhinac ay isweydaarsadeen

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com