Doorashada Norwey oo Isbuuci sedexaad Socota iyo Soomaalida oo..

Oslo, Doorashada guud ee dalka Norwey ayaa ah mid socota isbuucii sedexaad.

Doorashada ayaa ah mid xisbiyada dalka si aad ah ugu loolamayaan.

Sanadkaan waxaa doorashada baarlamaanka u sharxan sedex dumar Soomaali ah.

Warbaahinta aragticusub oo la kulantay qaar ka mid ah dadka maanta codadkooda dhiibanayay ayaa sheegay in Doorashada muhiim u tahay bulshada gaar ahaan Soomaalida iyaga oo ku baaqay in ay codeeyaan dadka aan wali tagin goobaha codbixinta.

Balse dareenka xoogan ee ka dhex jira bulshada Soomaalida ayaa ah in aysan ka mideysneen in codadkooda siiyaan Soomaalida u sharaxan baarlamaanka Norwey.

Dadka qaar ayaa ku eedeeyay musharaxiinta Soomaalida in la arko oo kali ah marka doorasho la gaaro balse aan dib loo arkin Doorashada kadib.

Soomaalida ku nool Norwey gaar ahaan Oslo ayaa xiligaan baahi weyn u qaba in ay helaan jaaliyad guud taas oo keeni karta isku xirnaan iyo waliba xalinta kala fikir duwanaashiyaha Soomaalida ka dhex jirta xiliyada doorashada.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com