Ra,isul wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul goboleedyada oo la kulmay beesha caalamka.

Muqdisho:-Ra,isul wasaaraha Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa maanta kulan la qaatay wakiilada beesha Caalamka.

kulankaan oo ka dhacay Teendhada Afisyooni ayaa ahaa mid looga hadlayay dar dar galinta doorashooyinka iyo waliba sidii beesha caalamka looga celi lahaa dhaqaale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa looga fadhiyaa in ay qabtaan Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa la sheegay in dhankooda ka hadleen sidii xal looga gaari lahaa isfahan waaga Madaxda Soomaalida ka dhex jirta taasi oo ku aadan hanaanka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Midowga musharaxiinta oo Warsaxaafadeed soo saaray maalintii shalay ayay ku dhaliileen go,aanadii ka soo baxay shirkii Ra,isul wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul goboleedyada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com