Qof shacab ah oo Magaalada Garoowe ugu geeriyooday Rasaas uu riday Askari ka Tirsan Ciidanka Puntland

Hal Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Magaalada Garoowe kadib rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuura ee Puntland.

Askariga ayaa rasaasta riday xilli ay murmayeen qof kale oo ganacsade ah kaas oo diiday in uu bixiyo Canshuur laga doonayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf ayaa markiiba u geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.

Booliiska Puntland  ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askarigii ay rasaastu ka dhacday qorigiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com