Puntland oo qaadki fasaxday xili Masaajidi xiran yihiin .

Laga bilaabo maanta oo taariikhda ay ku beegan tahay 18-ka May waxaa la qafiifiyay go’aanadii bandowga ee 27-kii March 2020 lagu soo rogay deegaanada Puntland.

Amarkaasi oo ka soo baxay Guddiga Ka Hortagga COVID-19 ee Puntland ayaa sheegay inay qafiifiyeen bandowgii in dhawaalaba ka jiray deegaanada Puntland, sida isu socodkii dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista qaadka ee deegaanada Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in la qafiiyay amarkii 20-kii March lagu soo rogay deegaanada Puntland, iyadoo uuna ujeedku ahaa ka hortagga cudursidaha COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ku dhaqmaan talooyinka Waaxda Caafimaadka, ee looga baaqsan karo faafitaanka xanuunka.

Sidoo kale ganacsatada qaadka iibisa iyo dadweynaha isu diyaarinaya Ciidul Fitriga ayuu ku booriyay in ay isticmaalaan afuufka afka iyo sankaba lagu xirto, gacmo gashiga iyo inay kala fogaadaan.

Ganacsatada qaadka ayaa iminka isu diyaarinaysa inay qaadka dalka Itoobiya si toos ah u keenaan Puntland, iyagoo markaasi adeegsanaya safarada dhinaca dhulka ah.

Billihii ugu dambeeyay ayaa qaadka si aan sharci ahayn lagu soo gelinayay deegaanada Puntland, waana qaadka ka baxa beeraha dalka Itoobiya ku yaala.

In dhawaalaba deegaanada Puntland lama keenin qaadka laga keeno dalka Kenya, ka dib markii ay saamayn ku yeelatay amarkii ay Dowladda Federaalka ku joojisay duulimaadyadii dalka imaan jiray iyo kuwii kale ee ka bixi jirayba.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com