Xildhibaano la yaabay hadalo ka soo baxay Madaxweynaha Koofur Galbeed

Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareenoo ka qeyb-galay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa weerar Afka ah ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda KoofurGalbeed Soomaaliya .

Lafta Gareen ayaa shaaciyey in xildhibaanada qaar looga xaq lahaa kuraasta ay ku fadhiyaan, taas oo lama filaan ku noqotay xildhibaano badan.

Waxa uu sheegay ay jiraan dad u soo dhintay oo mudan in lagu qadariyo ehelladooda Kuraasta Baarlamaanka , sida uu hadlka u dhigay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ma Caddeyn kuraasta , balse wuxuu tilmaamay in ay jiraan Dad u soo dhintay oo mudan in lagu qadariyo ehelladooda, sida uu hadlka u dhigay.

“Kuraastaan qaarkood dadka u fadhiga waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa.” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Lafta Gareen.

Sidoo kaled wuxuu intaasi sii raaciyey “Is cafiskana waa mid adduunyada iyo aaqiradeena u fiican, marka hore idinka wada shaqeynayay iyo guddoonkiina in aad is cafisaan, ninba si ayuu wax u arkayay, waa la kala qaybsanaa iyada oo xilal lakala raadinayo, waa in aan wada galnaa hal qaanad oo ah digil iyo mirifle oo ku adag dadka kale in ay galaan hal qaanad oo ay ku mideysan yihiin.”

Xildhibaanada Koofur Galbeed ee ka qayb galay kulankii xalay ayaa la yaab ku noqotay Ereyada ka soo yeeray Madaxweynaha Koofur Galbeed ee ahaa in Xildhibaanada qaar looga xaq lee yahay Kuraasta Baarlamaanka Koofur Galbeed ee ay ku fadhiyaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com