Dhageyso : Wasaiir Caadle oo sheegay in shabaab ay Go,doomiyeen wadooyinka Balcad iyo Jowhar

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in Maamulkiisa uu u maaro waayay Al-shabaab sida uu ka sheegay shir uu uga  qeybgalay Magaalada Muqdisho.

Wasiir Caadle ayaa sheegay in Al-shabaab ay buux dhaafiyeen Gobolka Shabeellaha dhexe kaddib markii laga eryay sida uu sheegay Shabeellaha hoose.

Waxaa uu ka jawaabayay in markii la dhisayay Hirshabeelle ay  Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee dowladda safar dhulka ah ku tagi jireen Jowhar haddana aysan jirin arrintaas.

Wasiirka ayaa sheegay in taasi aysan ku dhicin dayacaad xaggooda ah ee ay Al-shabaab awood saareen Gobolka Shabeellaha dhexe kaddib markii ay dowladda ka saartay Gobolka Shabeellaha hoose.