Alshabaab oo sheegatay Mas,uuliyada Dilkii Waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Marxuum Saciid Maaradoona oo Taksiile ahaa

Al-shabaab, ayaa sheegatay  ma,uuliyada  dil ka dhacay masaajid ku yaalla xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dilka ayaa  loo gaystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Siciid Jaamac Maxamed Siciid Maradona, islamarkaana ahaa Taksiile ka  shaqeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Al-shabaab ayaa sheegtay dilka marxuumkaas, oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa hay’adda Sirdoonka u qaabilsan Puntland.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay ay sheegen in marxuum Siciid Maradona uu gacan ka gaystay hawlgal Raaf ah oo Ciidanka Puntland ku sameeyeen dad leh astaamo diimeed, kuwaas Gaalkacyo lagu qabtay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com