Maxakamada Darajada Koowad ee Puntland oo Xukun ku riday Dhalinyaro lagu Eedeeyay in Shabaab Xiriir ay la leeyihiin+Sawiro

Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ayaa xukun ku riday lix dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ka Tirsan yihin

A-shabaab.

Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Nugaal iyo Sool.

Sidoo kale maxkmadda ciidamada ayaa Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ah la sheegayna inuu la socday ragga kale, ku wareejisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancelinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

Dhanka kale maxkamadda ayaa saddex eedeysane kale oo lagu kala magacaabo Mustafe Aadan Keerow, Bashiir Macallin Nuur iyo Cabdifitaax Macallin Cali ku riday min 20 sanno oo xasbi ah, kadib markii lagu eedeeyay in la qabtay iyagoo u socda buuraleyda Galgala.

Xeer Ilaalinta guud  ayaa dhammaan raggaas ku eedeysay inay tababaro ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, kadibna u soo safreen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Gudoonka Maxkamadda ayaa sheegay in xukunada lixda eedeysane uu ka furanyahay racfaan 30 cisho ah

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com