Dhageyso Siyaasi Maxamed Ismaaciil oo ka hadlay Heshiiskii laga gaaray doorashooyinka

 

Gudoomihii hore Degmada Kaxda Maxamed Ismaciil kana  Tirsan Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa ka hadlay Heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Dawlada Federaalka , Dawlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir

 

Heshiskaas oo ahaa mid la gaaray Arimaha doorashooyinka 2021 ayaa Siyaasi Maxamed Ismaaciil waxa uu uu sheegay in uu soo dhaweeynaayo Heshiiska Doorashada Dalka gaar haan Tan Jubland

 

Mar uu ka hadlayay khudbadii dhawaan uu ka jiyay Madaxweynha Jubland Furitanka Kalfadhiga 3aad Baarlamanka Jubland ee ahayd sababta uu u soo dhisi la yahay Golaha wasiirada Jubland iyo Arimaha Ciidanka Gobolka Gedo ayaa Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Isaga Madaxweyne u yahay Dadka dega Degaanada Jubland loona baahan yhay in Is Faham laga gaaro Arinta gobolka Gedo ayuu yiri,Siyaasi  Maxamed Ismaciil

 

Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Doorashada Xildhibaanada  Gobolka Gedo aysan dhici  doonin ilaa Dawlada Federalka Soomaaliya Ciidamadeeda ay ka saarto gobolkasi Ciidanka Jublandna Halkaasi lagu Wareejiyo