Alshabaab oo qabsatay deegaanka Camaara .

Muqdisho:-Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa saaka waabarigii xoog kula wareegay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaraya deegaankaas ayaa sheegaya in Alshabaab saaka waabarigii dagaal xoogan ku soo qaadeen fariisimo ciidamo ka tirsan Dowlada iyo kuwa daraawiishta Galmudug lahaayeen taasi oo keentay in Alshabaab gacanta ku dhigeen goobahaas.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare fara badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Alshabaab ayaa la xaqiijiyay la wareegitaanka deegaanka camaara marka laga soo tago in hub iyo gaadiid ka qabsadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Ma jiraan wax war ah oo wali ka soo baxay saraakiisha Dowlada iyo Maamulka Galmudug oo ay kaga hadlayaan dagaalkaas.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com