Wasiir hore Maamulka oo puntland ka Tirsana oo geeriyooday

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Xannaanada Xooolaha Puntland, marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha maamulka  iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey.”

Alle ha u naxariistee, Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka, Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah. Sidoo kale waxa uu ku sifoobay ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga tacsiyeeyay geerida marxuumka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com