Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya oo lagu aasay London

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London shalay,oo ay taariikhdu aheyd 10-ka April lagu aasay Ra’iiisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo  kowdii bishaan ku  geeriyooday dalkaasi.

Dabayaqaadii bishii tagtay ee Maarso ayaa laga helay cudurka Corona Virus markii  uu isku arkay calaamadaha cudurka ayuu tagay Isbitaalka King ee London oo ay ugu dambeyn geeridu ku haleeshay.

Alaha u naxariistee Madaxweynihii dowladii KMG aheed Cabdullaahi Yuusuf Axmed   ayaa bishii November 2007 u magacaabay Ra’isulwasaare wuxuuna xilkaasi hayay ilaa February 2009 kii

waxaa lagu xasuustii kaalintii  uu ka qaatay wadahadaladii xukuumadiisii xiligaa iyo Isbahaysigii dib  u xoreynta ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wadahaladaasi oo ugu dambeyn lagu dhisay dowlad wadaag ah.

Wuxuu dhashay 1938 nus qarno ka badan ayuu ka soo shaqaynayay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya oo uu ka gaaray ilaa heer Ra’iisal wasaare.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com