Dagaal u dhexeya laba beelood oo ka dhacay degaan ka Tirsan gobolka Sanaag

Wararka ka imaanayaa gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu ka socdo degaan-xeebeedka Waqa-deriya oo galbeed kaga beegan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Dagaalka oo arroornimadii hore ee saaka bilowday, ayaa sida la sheegayo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas oo sannadihii u dambeeyay dagaallo kala duwan dhex mareen.

Warbaahinta Aragticusub.com oo war bixin ka  raadisay khasaaraha dagaalka, ayaan weli xog faahfaahsan ka helin, maadaama ay aad u liidato isgaarsiinta degaanka, islamarkaana aysan jirin cid kale oo laga xaqiijin karo khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee dagaallamaya, ayaan midkoodna weli ka hadlin, dagaalka saaka ka socda degaan Xeebeedka Waqa-deriya ee gobolkaasi Sanaag

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com