Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan sheekh oo Cambaareeyay Colaad Beeleedyada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah gobollada  dalka.

Xasan Sheekh ayaa nasiib daro ku tilmaamay in maanta Soomaaliya la isugu dilo reer hebel ayaa tahay, iyadoo uu dalka soo galay isla markaana kusii baahayo cudurka caalamka hala keeyey ee Coronavirus.

Dadka ku jira dagaalada ama hurinaya coladahahaas ayuu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, in ay ka waantoobaan falalkaas oo uu ku tilmaamay kuwo ay kasoo socoto cawaaqib xumo daran.

Sidoo kale ciidamada ammaanta ayuu ku bogaadiyey in ay kala dhex galaan dadka Soomaaliyeed ee is dilaya, isagoo hoggaanka beelahana ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Madaxda dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan waxba ka qaban Dadka gaalamay oo aysan kala celinta dadkii Soomaaliyeed ee isku dilay sida arxan darrada ah, isagoo tilmaamay in meelaha qaar ay dowladdu hurisay colaadaha ka socda, sida uu hadalka u dhigay.

warkaan ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku soo Aadaya xilli colaado beeledyo mudooyinkii dambe ay ka jireen degaano ka Tirsan gobolada Dalka

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com