Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada London.

London, Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ku dileen Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Kooxahaan oo ku hubeysnaa Mindiyo ayaa dhaawac culus u geystay Soomaaligaan da,ahaan lagu qiyaasay sodomeeyo jir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dhaawac halis ah uu soo gaaray wiilka taasi oo markii dambe sababtay in uu ku geeriyoodo Isbitaalka.

Booliska London ayaan wali shaaca ka qaadin magaca qofka la dilay ee Soomaaliga ah iyadoo dilka dhacayna uu qeyb ka yahay weerarada mindiyaha ee muddooyinkan kusoo badanayey London.

Todobaadkan oo kaliya waxaa dhacay 7 dil oo loo adeegsaday mindi, sida ay booliska London sheegeen.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com