Siidow Nuur (Abuu Muxsin) oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Sh/hoose

Siidow Nuur (Abuu Muxsin) oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lagu dilay hawlgal saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Hawlgalka oo mid qorsheysan ahaa ayay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen inta u dhaxeyso Buundada Bariire iyo tuulada Nuungare, iyadoona lagu dilay Sarkaalkaasi iyo 18 dagaalyahano oo kale.

Taliyaha Ururka 143aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa xaqiijiyay in hawlgalkaasi lagu dilay Siidow Nuur (Abuu Muxsin) iyo 18 maleeshiyo oo la socotay.

Taliyaha oo wareysi siiyay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay in Abuu Muxsin uu xilligan ku magacawnaa Madaxa Jabhadaha Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka ay helayn xogta ku aadan Abuu Muxsin, ka hor intii aan hawlgalka qorsheysan lagu dilin.

Al -Shabaab ayaa toddobaadkii hore duleedka Degmada Afgooye waxa ay ku dileen Saraakiil iyo askar ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka, ka dib markii ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen.

Gobolka Shabellaha Hoose waa gobolka hawlgalka ugu ballaaran laga sameeyo, sidoo kalana waa gobolka weerarada ugu badan ay ka gaystaan mintidiinta Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com