Howlgal ka socdo Beledweyne oo dad ku dhinnteyn

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsanaa Ciidanka Ciidanka xoogga dalka Guutada Shannaad qeybta 27-aad dil ugu geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dilka askariga oo lagu Magacaabi jirey Liibaan Axmed  ayaa yimid kadib markii ay weerar kusoo qaadeen rag hubeysan xilli uu ku sugnaa xaafadda Buundo-weyn gaar ahaan Buulo yacquub,waxaana la sheegay is israsaaseyn dhex-martey askariga iyo ragga hubeysan uu ku geeriyoodey askariga.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysan ee falkaasi ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen,hayeeshee Ciidamo gurmad ahaan ugu yimid ay meydka askariga goobta ka qaadeen.

Wararka laga helayo Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka askariga.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com