5-ruux oo Coronavirus ugu dhimatay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa xaqiijisay in dadka u dhintay xanuunsidaha COVID-19 ay gaartay shan qof, ka dib markii saddex qof ay maanta u geeriyootay.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in maanta ay saddex qof xanuunkaasi ugu dhinteen Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay korodhay kiisaska la xiriira Coronavirus, iyadoo maantana xanuunkaasi laga helay 20 qof.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxay Isniintii sheegtay in dalka oo dhan laga diiwaangeliyay 60 kiis, oo la xiriira Coronavirus.

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus dalka oo idil laga diiwaangeliyay ayaa hadda gaartay 80 qof, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

Dadka xanuunka ugu geeriyooday gudaha dalka ayaa noqday 5 qof, halka 2 kalena ay ka bogsatay.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayay aad u korodhay kiisaska dalka laga diiwaangeliya

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com