Madaxweyne Kenyatta oo ku dhawaaqay tilaabo cusub oo looga hortegaayo Corona Virus .

Muqdisho : Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay laba kiis oo dheeri ah oo ku saabsan coronavirus ka dib markii Khudbad uu jeediyay goor dhow.

Labadda Kiis cusub ayuu sheegay in ay kasoo baxeen ka dib markii baaritaano lagu sameeyay 27 qof oo xiriir la sameeyay qofkii ugu horeeyay ee laga helay Coronovirus.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhawaaqay Go’aamo cusub oo ay ka mid yihiin:

Joojinta soo gelitaanka Kenya ee dadka ka socda dhammaan waddamada uu saameeyey cudurka Covid-19 muddo 30 maalmood ah. Tani waxay dhaqangelaysaa 48-ka saacadood ee soo socda.

Wuxuu sheegay in muwaadiniinta Keenyaanka ah iyo ajaanibta haysta ogolaashaha kaliya loo ogolaan doono wadanka hadii ay karantiil ka dhigaan.

Waxaa ku dhawaaqay in guud ahaan la xiray Iskuullada iyo Jaamacadda dalka Kenya.

Dugsiyada hoose iyo kuwa sareba waxay hakinayaan howlahooda laga bilaabo Isniinta iyadoo iskuulada loo yaqaan ‘boarding iskuulada’ ay sameynayaan isla maalinta Arbacada.

Dalka Kenya ayaa ganacsatadiisa Qaadka u iibgeeyaan soomaaliya waaxaana la ogeen in Soomaaliya ee qaadi doonto talaabo ay ku joojin doonto .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com