Midowga Musharixiinta oo Taageeray Doorashada Gudoonka Aqalka Sare

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay doorashada guddoonka Aqalka Sare, waxayna hambalyo u direen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale loo doortay guddoomiyaha Golaha ee 4 sano ee soo socota.

Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu taageeray doorashada Aqalka ee Gudoonka Golahaasi loogu doortay Cabdi Xaaashi

“Midowga Murashaxiinta wuxuu hambalyo u dirayaa Senator Cabdi Xaashi C/laahi oo ku guulaystay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka 2022-2026,” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Musharixiinta .

“Senator Cabdi Xaashi wuxuu uddub dhexaadka u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii sharci darida ahaa iyo jahwareer kii siyaasadeed ee uu dalka u horseeday madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamad C/laahi Farmaajo,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka .