Itoobiya oo baraha Bulshada Soo dhigtay Qariirad lagu kala qaybinaayo Soomaaliya

Baraha internet-ka Twitter-ka iyo Facebook-ga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la soo dhigay qariidad muujinaysa Soomaaliya oo kala qaybinaayo

Qariidada oo  markii dambe  laga  saaray baraha Internet-ka ee Abiy ayaa Somaliland looga dhigay midab wada cad oo isku furan ilaa badda, sidoo kale ka jaran Soomaaliya.

Qariidada la soo dhigay baraha Internet-ka Abiy Ahmed waxaa la socotay fariin ah “Xornimada Dadkayaga – Barwaaqo Umaddeena!”.

Fariinta Abiy oo ku qorneyd afafka Amxaariga, Oromada iyo Ingiriiska ayaa u qarneyd sidan hoose.

ነጻነት ለህዝባችን – ብልጽግና ለአገራችን!

Bilisummaan uummata keenyaaf – badhaadhinni biyya keenyaaf!

Freedom to our People – Prosperity to our Nation!.