Dhageyso : Dagaal ka dhacay Xaafada Buulo sheekh Magaalada Jowhar

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka iyo shabaab ayaa xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xaruunta Dawlad goboleedka Hir shabeele

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii shabaab weerar ay ku qaadeen fariisin Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka iyo kuwa Hir shabeele ay ku  sugnaayeen

Labada dhinaca ayaa Hubka nuucyadiisa kala isku adeegsaday waxaana dagaal uu ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafada Buulo sheikh

Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Dadka shacabka ah Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar

Maha Markii ugu horeysay Dagaal uu ka dhaco gobalka shabeelaha dhexe kaas oo u dhexeya Ciidanka dawlada Federaalka iyo shabaab mana jirto wax khasaare ah oo laga soo sheegayo Aaga Dagaalka uu ka dhacay Magaalada Jowhar

Ciidanka dawlada Federaalka ayaa saakay Hawgalo ka bilaabay Xaafada Buulo sheikh Magaalada Jowhar si ay u xaqiijiyaan Amniga Halkaasi