Taliyihii saldhiga Degmada Wadajir oo xilka laga qaaday

Taliyihii Booliska Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay,iyada oo sidoo kale xilka laga qaaday.

mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka  Degmada Wadajir ayaa u sheegayWarbaahinta   Aragticusub.com in xilka qaadista iyo Xarigga Taliye C/Baasid la xiriirto madaafiic shalay loaga tuuray gudaha Degmada laguna duqeeyay Xerada Xalane.

Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale C/Baasid Su’aalo ka weydiiyay dayacaadda amaanka maadaama gudaha Degmada Wadajir laga tuuray Madaafiic kuna dhaceen Xerada Xalane.

Xilka Taliyaha Booliska Degmada Wadajir waxaa loo magacaabay Siciid Cali Maxamuud, kaas oo beddelay C/Baasid oo xilkaas hayay muddo dheer.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeynta shalay duhurkii lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho taas oo sababtay in xilka laga qaado Taliyihii Booliska Wadajir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.