Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay Degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn ka geysatay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Duqeynta oo ay shalay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu bur buriyay xarun ay Al-shabaab ku lahaayeen Magaalada Jilib.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ku warramay in duqeyntaas aysan jirin dad rayid ah oo ku geeriyooday,waxaana lagu sheegay in ujeedada duqeyntaas ahayd sidii loo yareyn lahaa saameynta Al-shabaab ee dagaalka ay kula jirto Dowladda Federaalka, AMISOM iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa sanadkan gudahiisa dhowr duqeyn ka geystay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, iyada oo khasaare nafeed uu ka soo gaaray dad rayid ah.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019 Mareykanka waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay 63 Weerar sida uu ku xusay warbixin sanadeedkiisa halka sanadkii ka horreeyay ee 2080 uu geystay 47 weerar.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu dafiro khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ee ka dhasha duqeynta uu ka fuliyo Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.