Madaxweynaha Soomaliland oo sheegay in uu Aqbalay Raali gelinta Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbaddiisa sanadlaha ah ee Somaliland jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay kulan dhawaan Magaalada Adis Ababa ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Raisalwasaarah Itoobiya iyo Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Adis ababa ka dhacay ayuu Muuse Biixi ku sheegay in isaga iyo Farmaajo uu Abiye u sheegay in uu doonayo in uu galo arrinta Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland in uu dhexgalo,waxaana Muuse uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay wada aqbaleen.

Dhinaca kale Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay raalli gelintii dhawaan uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya ee la xiriirtay dhibaatada ay tabanayaan dadka Gobollada waqooyi ee dalka.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in isaga uu soo dhaweynayo hadalka Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana uu xusay in ay tahay billow fiican oo laga amba qaadi karo in wadahadallada dib u billowdaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Abiye Axmed uu uga mahadcelinayo dadaalka uu ku doonayo in uu soo gaga gabeeyo kala qeybsanaanta dowladda Federaalka ah iyo Somaliland islamarkaana arrintaasi ay sidoo kale ku jiraan dowlado kale.

Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Turkiga iyo hoggaamiyayaal kale oo Afrika ah ayuu sheegay in ay ku jiraan wadahadalka.

Dhinaca booqashada Abiye iyo Farmaajo ee Hargeysa ayuu sheegay in aysan suuragal ahayn raali gelinta Madaxweynaha iyo tagista Hargeysa isaga oo xusay in aysan ahayn laba is qabaneysa.